1065 Views

Theresa May oo Canbaaraysay qaabkii loo maamulay qalalaasaha Afghanistan

Theresa May oo Canbaaraysay qaabkii loo maamulay qalalaasaha Afghanistan
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 18, 2021

Cambaareyn kulul ayaa gudaha baarlamaanka Britain looga jeediyay sida ay dowladdu u xakameysay qalalaasaha Afghanistan.

Dood degdeg ah oo la qabtay ayay raysal wasaarihii hore Theresa May waxay ka sheegtay in lagu degdegay go’aanka ka saarista ciidamada ee lagu raacay Mareykanka, iyadoo la rajeynayo in wax walba ay habeen gudahood isku beddelaan.

Waxay is weydiisay farriinta ay taasi ka bixineyso sida ay reer galbeedku u doonayaan inay difaacaan qiyamkooda. Raysal wasaaraha haatan Boris Johnson ayaa sheegay in gaashaan buurta NATO aysan dooneyn inay ciidamadooda ku hayaan Afghanistan haddii uusan Mareykanku taageereyn.

Wuxuu sheegay in Taalibaan ay oggolaadeen in ka saaridda ciidamada ay ka sii socoto garoonka Kabul. Wuxuu QM ugu baaqay inay dardar geliyaan dadaallada bani’aadannimada ee gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post