3813 Views

Wasiirka Amniga oo kormeeray waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga oo kormeeray waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 28, 2018 –  Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Cumar Islow oo ay wehliyeen Taliyeyaasha ciidamada iyo Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa kormeeray waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho, halkaasoo ay koontaroolo ku leeyihiin Ciidamada NISA.

Wasiir Islow Ducaale ayaa kormeer ku tagay Xerada Maslaxa ee duleedka Suuqa Xoolaha oo ku yaalla koontaroolka dhanka waqooyi wadada aada Balcad iyo Koontaroolka Siinka Dheer ee Koofur Galbeed wadada aada Afgooye.

Koontaroolada ayaa ahaa kuwo ay heegan ku ahaayeen ciidamada, isla markaana mas’uuliyiinta kormeerayeen habka ay u socoto hubinta gaadiidka soo gala magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa baro koontarool ku leh dhamaan afarta waddo ee laga soo galo magaalada Muqdisho, waxaana lagu baaraa gaadiidka iyo dadweynaha.

 

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment