1599 Views

Taliyaha Ciidanka degmada Shibis Farxaan Jaraaye oo wata gaadiidka dagaalka oo gaaray Agga Mirinaayadda

Taliyaha Ciidanka degmada Shibis Farxaan Jaraaye oo  wata gaadiidka dagaalka oo gaaray Agga Mirinaayadda
____________________________________________________________________________

April 26-2021

Wararka ka imaanaya degmada Shibis  ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliiska degmadaasi  Farxaan Jaraaye oo wata gaadiidka dagaalka uu ku biiray Agga Mirinaayadda oo ay difaac kaga jiraan ciidamo ilaalada u ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Taliye Farxaan Jaraaye oo saxaafada la hadlay waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arintaan, waxa uuna farmaajo ugu baaqay in uu is casilo.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in uusan is-dhiibin, balse uu ka baaqsanayo in uu dadka iyo dalka u horseedo dagaal, isaga oo markii hore ka tirsanaa ciidamada daacada u ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post