924 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb

SAWIRO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Madaxweyne laftagareen kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa safarkaan waxaa ay u tahay markii ugu horreysay uu tago Dhuusamareeb tan iyo markii la doortay,waxaana kasoo horeeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ammanaka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo socda la filayaa in ay Magaalada Dhuusamareeb tagaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post