1041 Views

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kulamo ka wadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo kulamo ka wadda Isu-tagga Imaaraadka Carabta
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo  ku sugan Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa Hotelka uu ka degan yahay Dubai ku soo booqday ganacsato waa weyn oo danaynaya inay maalgashadaan Somaliland.

 

Kulankan Madaxweyne ku xigeenku uu la qaatay ganacsatada ku soo booqatay hotelka uu degan yahay ayaa ujeedkiisu daaranaa sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka balaadhan ee ka socda  Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha dhan walba la xidhiidha.

 

Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka  Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hotello waa weyn oo casri ah, madaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladdaha aduunku.

 

Madaxwayne ku xigeenka  Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaadaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed ee ka jira  Somaliland, soona arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment