429 Views

Wafdi uu hoggaaminayo M/weyne Farmaajo oo ku wajahan Dooxa.

Wafdi uu hoggaaminayo M/weyne Farmaajo oo ku wajahan Dooxa.
____________________________________________________________________________


Sabti: March 5, 2022

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Sabti ah safar ugu ambabaxayo Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Safarka Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa uu salka ku hayaa in maalinta Berrito ah uu dalkaas kulan kula qaato Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, iyadoo dhinacyada ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa.

Tani ayaa ka dambeysa, iyadoo lagu wado in la soo gabagabeeyo doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadama la doortay ku dhawaad 180 xildhibaan oo ka mid ah 275-ka xubnood.

Sidoo kale, dalka Qatar waxaa lagu tiriyaa in ay miisaan culus ku yeelatay guushii madaxtinimo ee Madaxweyne  Farmaajo uu ka gaaray doorashadii madaxweynaha ee 2017-kii, taas oo uu kaga adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, qoraal kooban ay soo saartay Wakaalada Wararka Qatar xalay ayaa lagu shaacisay in safar uu maalinta berri madaxweyne Farmaajo ku tagayo Doha, Axadana uu Qasriga Madaxtooyada kula kulmayo Qatar Sheikh Tamim.

Qorshaha dowladda Qatar ayaa ah sida la rumeysan yahay in dhaqaale fara badan ku bixin doonto dib u doorashadiisa, iyadoo shantii sano si weyn u taageereysay Maamulka Madaxweyne Farmaajo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post