966 Views

Dowlad goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug oo daahfuray Imtixaanka dugsiga dhexe

Dowlad goboleedyadda Jubbaland iyo Galmudug oo daahfuray Imtixaanka dugsiga dhexe
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 11  2020–Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland mudane maxamuud sayid aadan iyo masuuliyiin kale oo katirsan wasaaradda waxbarashada jubbaland ayaa daahfuray Imtixaanaadka Fasalka 8- aad ee dugsiga dhexe.

Imtixaanka ayaa si rasmi ah uga bilowday degaanada Jubbaland ,Waxaana imtaxaanka ufariistay deganada Jubbaland oo idil 2362 arday.

Sidoo kale 2,561 arday ayaa degaanada Galmudug maanta u fariisatey imtixaanka qaran fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe oo ka dhacaya 18 goobood oo Galmudug ka tirsan.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug oo ka mid ah Goobaha imtixaankani ka bilowdey kaga daah furay arday dhan 222-arday wasiirka wasaarada waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi dhoore oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee wasaarada Axmed Nuur Cusmaan iyo kormeerayaal ka socday wasaarada waxbarashada Soomaaliya .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post