240 Views

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo heshiis is-afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya oo  heshiis is-afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 16, 2022

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan ayaa maanta heshiis is-afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding Mr. JZhuang Liang, kaasi oo ay shirkaddu ku maal galinayso kalluumeysiga dalka.

Heshiiska oo ah is-faham laba dhinac leh oo waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa ogolaanay in Maraakiibta shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) la siiyo ruqsado ay uga kalluumeysato badda Soomaaliya.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in shirkadda Beijing Chaoliang Holiding (Group) hirgaliso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, inay maal-galin xoogan ku sameyso wax soo saarka kalluunka Tuunaha, kaasi oo ah kalluun xilliyeed guur-guura ayna wadaagaan dhammaan wadamada ku teedsan biyaha badweynta hindiya.

Munaasabadda saxiixa heshiiskan ayaa sidoo kale waxa kasoo qeyb-galay goob joogayaal caalimi ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding (Group) co.ltd.

https://7f185a45107b6a2ef3fd1314aac32d8a.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysigu oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badaha dalkeenu uu ka mid yahay tiirarka ugu horreeya ee qorshaha xukuumadda Dan-Qaran iyo Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

“Waa in si wadajir ah loola dagaalamo kalluumeysiga sharci darrada ah,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, isaga oo dhambaal digniin ah u diray dalalka ay maraakiibtoodu sifada sharci darada ah ku soo galaan biyaha dalkeena.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post