669 Views

Abiy Axmed: TPLF waxay doonayaan in dalka uu noqdo mid aan la maamuli karin

Abiy Axmed: TPLF waxay doonayaan in dalka uu noqdo mid aan la maamuli karin
____________________________________________________________________________

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay la socdaan tacaddiyada joogtada ah ay gobolka ka geysanayaan dhaqdhaqaaqa TPLF ee ka taliyo gobolka Tigray.

Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu amar ku bixiyay in tallaabo militari laga qaado gobolkan.

Wuxuu ku eedeeyay TPLF inay maalgelinayaan kooxaha doonaya inay caraqabaleedeeyaan dimuqraadiyadda Itoobiya si dalka ay uga abuuraan qalalaase.

“Waxay maalgelinayaan koox kasta oo ku rajo weyn inay colaad iyo falal sharci darro ah oo ay doonayaan in lagu carqaladeeyo dimuqraadiyadda si dalka uu noqdo mid aanan la maamuli karin” ayuu yiri Abiy.

Wuxuu ku eedeeyay TPLF inay wadaan tallaabooyin dhowr ah oo ka dhan ah sharciga isla markaana ay qabsadeen doorasho sharci darro ah.

“Falalka sharci darrada ah ay wadaan TPLF kuma uusan dhammaan halkaas, waxay sidoo kale qaadeen tallaabo ay ku xoojinayaan militeriga iyagoo hadafkoodu yahay inay u hanjabaan shacabka Itoobiya iyo dowladda”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post