345 Views

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Taliye Ciidan u magacaabay Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan

Madaxweyne Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo  Taliye Ciidan u magacaabay Jeneraal  Maxamed Siciid Xirsi Moorgan
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka. 

Madaxweyne Deni ayaa Saraakiisha hoos ku xusan u magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)

2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere 

3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen

4. S/guuto. Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)

5. S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi 

Ugu dambeyn wareegtada waxaa lagu soo gabagabeeyey “Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post