1236 Views

Hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beeraha

Hoos u dhac ku yimid wax soo saarka beeraha
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 04, 2020—Wasiirka Wasaaradda Beeraha maamulka Hirshabeelle, mudane cali xaaji Isgoowe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid wax soo saarka beeraha.

 

Wasiirka ayaa tilmaamay in hoos u dhacaan ay keentay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay beeraha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

 

 

 

Waxaa uu xusay  in haddii aan xal loo helin fatahaadda sannad walba webigu uu sameeyo ay tahay arrin adag oo khatar gelinaysa dalagyada ka soo go’a beeraha.

 

Ugu dambeyntii wasiirka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ee wax haysta ugu baaqay in laga qayb qaato sidii xal loogu heli lahaa fatahaada soo laa laabatay, taas oo saamayn ku yeelatay beeraha iyo dadka Ku nool deegaanadaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment