2205 Views

Jubbaland oo soo bandhigtay rag ka soo goostay Shabaab

Jubbaland oo soo bandhigtay rag ka soo goostay Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 29, 2018 – Taliska Ciidanka Nabad Sugidda maamulka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland waxa ay ku soo bandhigeen 12 nin oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen xoogaga Shabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Maamulka Jubbaland Khaalid Sheekh C/laahi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay raggan oo 12 gaaraya inay iska soo dhiibeen dhanka deegaanka Baar-sanguuni iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanka Baar-sanguuni ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidanka Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Mareykanka iyo ururka Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Qaar ka tirsan Shabaabka isa soo dhiibay oo laftirkooda warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen isa soo dhiibitaankooda inay ka dambeysay kadib markii sida ay tilmaameen la kulmeen culeysaad iyo daruufo adag.

Ugu dambeyntii Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu sheegay raggan isa soo dhiibay inay gacmo furan ku soo dhaweynayaan, ayna suuragelin doonaan marka ay dhameystaan tababarka dhaqancelinta inay dadkooda ka mid noqdaan, mustaqbalkoodana dhistaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment