1128 Views

Xildhibaan Mahad Salaad oo si kulul kaga hadlay Dagaalka Dhuusamareeb eedayna u jeediyay Ahlusuna

Xildhibaan Mahad Salaad oo si kulul kaga hadlay Dagaalka Dhuusamareeb eedayna u jeediyay Ahlusuna
____________________________________________________________________________


Khamiis: September 30, 2021

Xildhibaan Mahad Salaad, oo baarlamanka Soomaaliya kasoo galay deegaanada Galmudug, ayaa ka hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday halkaas ee u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Galmudug waxay leedahay maamul iyo madax la doortay. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo furimo cadow ku furanyihiin kuwa dhabarka xabadda ka saaraya waa cadow dadka iyo dowladnimada Galmudug ku soo duulay waana waajib in gacan bir ah lagu qabto.”

Waxa uu intaas ku daray “Siyaasiinta maslaxada ka dhex raadinaya kala dhantaalidda iyo cuuryaaminta maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan. Guul ayaan u rajeynayaa reer Galmudug!”

Sidoo kale Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post