1002 Views

Shir looga hadlayo Colaada Soomaalida iyo Oromada oo ka furmaya Jigjiga

Shir looga hadlayo Colaada Soomaalida iyo Oromada oo ka furmaya Jigjiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 04,, 2019 —Magalada jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa la filayaa in Maanta uu ka furmo shir u dhaxeeya Maamulada Magaalooyinka dowlad deegaanka Soomaalida iyo oromada oo mudo sanado ah uu dagaal dhexmarayay.

Shalay ayaa waxaa Magalada Jigjiga gaaray oo lagu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Oromada Shinmelis Abdisa,waxaana shirkaasi looga hadli doonaa sidii loo dhameyn lahaa Colaada u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada.

Waxyaabaha ugu weyn ee shirkaasi looga hadli doono ayaa waxaa ka mid noqon doona sidii looga kabsan lahaa dhibaatadii dhexmartay Soomaalida iyo Oromada, cadaadis lagu haayay Soomaalida iyo in labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada ay noqdaan kuwa nabad ku wada noolaada oo is dhexgala.

La-taliyaha dhinaca Saxaafadda ee Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Maxamed Muxumed Colaad ayaa sheegay in shirkaan uu daba socdo shirkii Bishii Shanaad ee sanadkaan ka dhacay Magalada  lnaasileed ee Xarunta Dowlad deegaanka Oromada, isla markaana la rajeynayo in maslaxada labada Shacab laga wada Shaqeeyo.

Soomaalida iyo Oromada ayaa Colaadooda waxaa ay aheyd dhowrkii sano ee la soo dhaafay mid xoogeysatay,waxaana la dilay Boqolaal ruux oo labada dhinac ah, hayeeshee isbedelkii ka dhacay labada Maamul ee Soomaalida iyo Oromada ay bilaabeen wadahadallo xal looga gaarayo dagaaladii dhexmaray.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment