1170 Views

Wafdi ka socday Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

Wafdi ka socday Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee dowlad Gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo u tegay diyaarinta qorsho fulineedka Istiraajiyadda Xalka waara kala tashan doona hay’adaha kala duwan ee Jubbaland.

Wafdigan waxaa hoggaaminayso Agaasimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaradda Qorshaynta Qaranka Marwo Sahra Cabdi Maxamed oo ay wehliyaan khuburo iyo saraakiil sare, iyada oo si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Mudane Maxamed Cusmaan Jaamac iyo mas’uulayiin kale oo ka tirsan Wasaaradaasi.

Ujeeddada ay u soo tegeen Jubbaland howl-wadeennada ka socda Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xafiiskiisa Xalka Waara ayaa ah sidii loo dar-dar galin lahaa fulinta Istaraatiijiyadda Xalka Waara 2020 -2024 oo u dub dhaxaadka u ah sidii wax looga qaban lahaa arrimaha barakaca ee saamaynta adag ku yeeshay bulshada nugul, taasoo sababta coolaadaha, abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyin kale oo dabiiciga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post