885 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku baddelay wasiiradaGaashaandhigga iyo Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo isku baddelay wasiiradaGaashaandhigga iyo  Wasiirka Caddaaladda.
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

 Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) oo horay u ahaa Wasiirka Caddaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo horay ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda JFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray labada wasiir ee la isku baddelay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan xilalka ula kala wareegaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post