810 Views

Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la baajiyay

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 14, 2021—Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta la baajiyay, kaas oo ka duwanaa shirarkii caadiga ahee ee todobaadkii mar u qabsoomi jiray Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa qorushu ahaa in Maanta la horgeeyo 15 Safiir si ay u ansixiyeen, balse la baajiyay sababo aan la shaacin, kadib markii farriimo loo diray Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa la horgeeyay 12 Safiir, hayeeshee ay diideen, kadib markii Wasiirada qaarkood ay sheegeen in Safiirada Cusub aysan waafaqsaneyn qaabka awood qeybsiga ee 4.5.

Magacaabida Safiiradan ayaa ku soo aaday, xilli lagu guda jiro waqti doorasho oo aan weli la isku fahmin, iyada oo la sheegay in sababaha xilligaan Magacaabista Safiirada ay tahay in la isaga yareeyo culeys siyaasadeed oo heysta dowladda Madaxweyne Farmaajo.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post