297 Views

Koobka kubadda cagta adduunka oo maanta ka furmaya dalka Qatar laguna daahfuri doonnaa xulalka Qatar iyo Ecuador

Koobka kubadda cagta adduunka oo maanta ka furmaya dalka Qatar laguna  daahfuri doonnaa xulalka Qatar iyo Ecuador
____________________________________________________________________________

Axad:NOVEMBER 20, 2022

Koobka kubadda cagta ee qaramada adduunka ayaa maanta ka bilaabanaya dalka Qatar, waana markii ugu horreysay oo dal Carbeed oo Muslim ahi lagu qabanayo.

Ciyaarta ugu horreyso ayaa lagu daahfuri doonnaa xulalka Qatar iyo Ecuador, oo ka wada tirsan Group A. Sharciga ayaana ah in lagu bilaabo dalka martida gelinaya.

Ciyaarta furitaanka ayaa ka qabsoomi doonto garoonka Al Bayt ee magaalo xeebeedka Al Khor. Al Khor ayaa 50km dhanka waqooyi kaga beegan Caasimadda Doha, waxaana uu garoonku qaadaa lixdan kun oo taageere.

Labadan qaran ayaa waxaa Group A ku wehlinaya dalalka Seneral iyo Netherlands, waana tartan ka kooban 8 Group, oo ay ka qaybgelayaan 32 dal.

Tartankan oo socon doono muddo 28 cisho ah ayuu qorshuhu yahay in la soo geba-gabeeyo 18-ka bisha soo socoto ee December, markaas oo lagu soo afmeeri doono ciyaarta finalka.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post