1026 Views

Amaro laga soo saaray Amniga Baladweyne

Amaro laga soo saaray Amniga Baladweyne
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Hay’adaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amaro dhinaca Amniga ah waxaa ay kasoo saareen Amniga Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo maalmihii la soo dhaafay Magalada Baladweyne ay ka socdeen howlgallo kala duwan.

 

Howlgallada ayaa intooda lagula dagaalamayay dadka isticmaala ama ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya iyo sidoo kale dadka hubka sharci-darada ah ku dhex heysta Magalada Baladweyne,waxaana howlgalladii ugu dambeeyay ay saraakiisha Ciidamada sheegeen inay kusoo qabteen dad farabadan.

 

Taliyaha Guutada Shanaad qeybta 27aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaalyeed Col Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) ayaa sheegay in marnaba Magalada Baladweyne aan lagu dhex wadan Karin hub sharci-darro ah.

 

Waxaa uu sheegay in mararka qaar ay jiraan dad dhulal isku qabsada oo hub iskula-soo baxa,isla markaana aysan ogolaan doonin,waxaana uu sheegay in alaala qof aan ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda ee hub ku dhex qaata Magalada Baladweyne lagala wareegi doono.

 

Dhinaca kale Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee qeybta 27aad Dhame Maxamed Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in hubka ay leeyihiin qabaa’ilaadka ama Shaqsiyaadka ay ka saaraan  gudaha Magalada  lana  aadaan dhinaca baadiyaha,cidii ku dhex qaadatana ay u aqoonsanayaan kuwo nabada diidan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment