489 Views

Madaxweynihii ugu dambeeyay Midowga Soviet Mikhail Gorbachev oo geeriyooday

Madaxweynihii ugu dambeeyay Midowga Soviet Mikhail Gorbachev  oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Mikhail Gorbachev, oo soo afjaray dagaalkii qaboobaa ee aan dhiig ku daadan, balse ku guul-darraystay in uu ka hortago burburkii Midowgii Sofiyeeti ayaa dhintay Talaadadii isaga oo 91 jir ah, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka Moscow.

Gorbachev, oo ahaa madaxweynihii ugu dambeeyay ee Soofiyeedka, wuxuu sameeyay heshiisyo dhimis hubka ah oo uu la galay Mareykanka iyo iskaashi uu la sameeyay quwadaha reer galbeedka, si meesha looga saaro caqabadaha adag ee siyaasadeed, militari iyo fikir ee kala qeybiyay Yurub tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka, loona keeno dib u midoobidda Jarmalka.

Laakin dib u habeyntii uu ku sameeyay gudaha waxa ay ka caawisay in uu wiiqo Midowgii Soofiyeeti ilaa heer uu burburay, xiligaasi oo madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay “masiibadii juqraafiyeed ee ugu weyn” qarnigii 20-aad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post