12450 Views

Nidaam federaal ma ka hirgeli karaa Soomaaliya?

Nidaam federaal ma ka hirgeli karaa Soomaaliya?
____________________________________________________________________________

                         Federal Miyaan rabnaa Mise Fawdo ?

By: Mustafa Salad Awale

Toronto | QOL | September 23, 2015. Dhulka Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa inuu ku fadhiyo cabir dhan 637.700 km2, kaasoo 3jeer ka weyn wadanka Ugandha, halka 8 jeer in ka badan uu ka weeyn yahay wadanka Sera Leone, iyadoo 27 jeer in ka badana uu ka weyn yahay midkiiba wadamada Ruwanda, Jabuuti iyo Burundi.

Hadii aan si xaqiiqa ah idinkuugu tilmaamo dhulka Soomaaliya waxuu si baaxad leh uga weyn yahay isku darka wadamada Uganda(236.000 km2), Burundi(27,830 km2 ), Ruwanda(23.340 km2), Jabuuti(23.000 km2) iyo Sera Leone(71.740 km2), iyadoo isugeynta shantaa wadan uu ka weyn yahay dhul cabirkiisu ka balaaran yahay wadanka Uganda oo lagu qiyaaso 252.790 km2.

Soomaaliya waxaa ku teedsan tahay xeebta afrika ugu dheer 2180 km2 oo badweeynta Hindiya ah iyo 1040 km2   oo ah badda Cas, iyadoo dhererka xeebta Soomaaliya guud ahaan lagu qiyaaso 3320 km2 . Sida ay sheegeen hey’adaha qaramada midoobay ee beeraha iyo cuntada (Food and Agriculture Organization) iyo bangiga aduunka (World Bank) waxay ku qiyaaseen in Soomaaliya a y leedahay dhul beereed lagu qiyaasay 440.420 km2 taasoo ka dhigan 69% dhulka Soomaaliya inuu yahay dhul wax laga beeran karo, hase yeeshee ay beertaan dadka Soomaaliyeed dhul lagu qiyaasay 102.200 km2 taasoo u dhiganta 16%, iyadoo aananey Soomaalidu iskuba dayin 53% dhul beereed ah oo dayacan maanta, islamarkaana uu leeyahay dhulka Soomaaliya 82.820 km2 oo ah dhul keyn ah una dhiganta 13.2% oo ilaah ku maneeystay ummada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waxaa dhanka xadka Ethiopia ka soo gala Webiga Shabeelle oo marka laga bilaabo halka uu ka soo unkamo ee Galka Baale ee buuraleeyda bari ee Ethiopia guud ahaan dhererkiisu yahay 1290 Km, wuxuuna dhul leh fogaan 1246 Km ku dhex maraa Soomaaliya isagoo ka soo gala Gobolka Hiiraan siina dhex mara Gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose, Baay.

Meel xadka Soomaaliya ku dhow magaalada Dooloow ayaa waxaa isaga darsama labada webi ee Ganaane iyo Daawa oo dhaca dhulka Ethiopia isku darsanka labadaa webi ayaa waxaa ka dhasha webiga Jubba oo ah webi aad u weyn kana soo gala magaalada Dooloow kuna fidsan gobollada Gedo, Baay, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, isagoo dhexmaraa magaalooyin ay ka mid yihiin Dooloow, Luuq, Buurdhuubo, Beled Xaawo iyo Baardheere, siina dhex mara Gobolka J/dhexe magaalooyinka Bu’aale, Jilib, Saakoow iyo Kumsuuma, kuna dhamaada Gobolka J/hoose magaalooyinka Jamaame, Mareereey, kedibna labada webi ee Jubba iyo Shabelle waxay iskagana darsamaan magaalada Goobweeyn oo Kismaayo u jirta 25 Km, halkaasoo ay kaga darsamaan badweeynta Hindiya webiga Jubba oo ah webi aad u balaaran wuxuu dhererkiisu dhan yahay 1808 km, taasoo 804 km oo ka mid ah ay tahay dhulka Ethiopia, halka 1004 Km dherer ah uu ku dhex maro Gobollada koonfureed ee Soomaaliya, dhulkaa uu webigu dhex maro oo ayan Soomaalidu wada beeran oo ay ka beerato in aan ka badneyn 16%.

Qariidada Soomaaliya waxaa lagu sameeyay isbedelo waaweeyn xilligii xukuumadihii burburka ka horeeyay, hadaan dib u fiiriyo taariikhda wadanka Soomaaliya wuxuu ka koobnaa 18 Gobol iyo 92 degmo wixii ka horeeyay Janaayo 1991 oo aheyd waqtigii ugu danbeeyay oo ay jirtay dowlad Soomaaliyeed oo wada jirta.

Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Soomaaliya Janaayo 1991

1 – Gobolka Banaadir ahna Caasimadda wadanka wuxuu ka koobnaa 16 Degmo
Shingaani Hodan Howlwdaag Shibis
Boondheere Yaaqshiid Kaaraan Xamar Jabjab
Xamarweyne Cabdicasiis Wadajir Waaberi
Wardhiigley Heli waa Dharkiinley Dayniile

Dhaqaalaha gobolka Banaadir waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga.     

 2 – Gobolka Shabelada Dhexe, wuxuu ka koobnaa 5 Degmo

Jowhar Balcad Cadale
Aadanyabaal Warsheekh

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay jowhar,dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha   

3 – Gobolka Hiiraan, wuxuu ka koobnaa 4 Degmo
Beledweyne Buuloburte Jalalaqsi
Matabaan

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Beledweyne, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool iyo beeraha.     

4 – Gobolka Galguduud,wuxuu ka koobnaa 6 Degmo.

Dh/mareeb Caabudwaaq Ceelbuur
Ceeldheer Cadaado Galhareeri

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Dhuusomareeb, iyadoo degmada Galhareeri ay aheyd degmadii ugu danbeeysay ee la magacaabay biloowgii 1990-kii, dhaqaalaha gobolku waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

5 – Gobolka Mudug, waxa uu ka koobnaa 5 Degmo.
Gaalkacyo Hobyo Jariiban
Xarar dheere. Galdogob

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Gaalkacyo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

 6 – Gobolka Nugaal, waxa uu ahaa 3 Degmo.
Garoowe Eyl Burtinle

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garoowe dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

7 – Gobolka Bari, waxa uu ka koobnaa 6 Degmo.
Boosaaso Qandala Iskushuban
Bandarbayla Caluula Qardho

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boosaaso dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Ganacsiga iyo Kaluunka.

8 – Gobolka Sool waxa uu ka mid ahaa labadii gobo lee ugu
danbeeysay, iyadoo degmooyinkiisa laga soo jaray gobolka Togdheer, wuxuuna ahaa 3 Degmo.
Laascaanood Taleex Xudun

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Laascaanood dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

 9 – Gobolka Sanaag, wuxuu ka koobnaa 4 Degmo.
Ceerigaabo Laasqoray Ceel afweyn
Baran

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Ceeri gaabo, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan ariga, Geela iyo Kaluunka.

 10 – Gobolka Togdheer, wuxuu ka koobnaa 4 Degmo.
Burco Ood weyne Sheekh
Buuhoodle

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Burco, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay xoolaha nool gaar ahaan geela iyo ariga.

11 –  Gobolka Waqooyi Galbeed, waxa uu ka koobnaa 3 Degmo.
Hargeysa Berbera Gabiley

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Hargeysa dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

12 – Gobolka Awdal, waxa uu ka mid ahaa 2dii gobol ee ugu danbeeysay iyadoo degmooyinkiisa laga soo gooyay gobolkii W/galbeed wuxuuna ahaa 4 Degmo.
Baki Boorame Saylac
Lug haya.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baki dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

13 –  Gobolka Sh/hoose,waxa uu ka koobnaa 7 Degmo.
Marka Baraawe Qoryooley
Afgooye Wanlaweyn Kurtunwaarey
Sablaale.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Marko dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

14 –  Gobolka Bay, waxa uu ka koobnaa 5 Degmo.
Baydhabo Buurhakaba Diinsoor
Qansax dheere Bardaale.

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Baydhabo dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay beeraha iyo xoolaha nool.

15 –  Gobolka Gedo, waxa uu ka koobnaa 7 Degmo.
Garbahaarey Luuq Doolow
Geed Weeyne Ceelwaaq Baardheere.
Beled Xawo

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Garbahaareey dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha iyo xoolaha nool. 

16 –  Gobolka Bakool, waxa uu ka koobnaa 3 Degmo.
Xudur Waajid Yeed

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Xudur dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool.

  1. Gobolka Jubada Dhexe, waxa uu ka koobnaa 4 Degmo.
17 –  Gobolka Jubada Dhexe, waxa uu ka koobnaa 4 Degmo.
Bu’aale Dajuumo
Saakow Jilib

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Bu’aale dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay Beeraha.

18 –  Gobolka Jubada Hoose, waxa uu ka koobnaa 4 Degmo.
Kismaayo Afmadow Badhaadhe
Jamaame

Gobolka Jubbada Hoose Caasimadiisu waa Kismaayo, dhaqaalihiisuna wuxuu ku xiran yahay beeraha, Xoolaha nool iyo Kaluumeeysiga.

Dagaaladii sokeeye ka hor dhulka Soomaalidu wuxuu ahaa dhul la wada dego inkastoo ay jirto in dhulka lakala lahaa oo qabaa’ilka Soomaalidu qolaba meel ay dhaqan iyo ab ahaan ka soo jeedo ay jirtay hadana ma aheyn arin su’aal iyo dareen ku dhalisa qofka Soomaaliga ah kaasoo meeshuu doono u shaqa tegi jiray kuna heli jiray soo dhaweeyn Soomaalinimo dareemi jirayna inuu ciidiisa joogo.

Magaalada Muqdisho oo ah caasimada wadanka waxa ay aheyd magaalo dadka afka Soomaaliga ah ku hadla ay u simanaayeen kuna noolaan jireen, ka shaqeeysan jireen kuna ganacsan jireen taasoo ay soo jiidatay dadka Soomaaliyeed oo dhamaan ay u aheyd magaalo ay wada lahaayeen siisayna kalsooni ah ineey maal gashadaan.

dhageystayaa

Dagaalkii sokeeye ee arxandarada u dhacay hantidii ummada iyo tii qarankana la boobay wuxuu kalifay in dadka Soomaalida ay lumiyeen aaminaadii, wada dhalashadii iyo Soomaalinimadii dhex tiilay, dantuna ku qasabtay ineey kala guuraan una kala degaan hab beleed, qolo walibana ay dantu biday inay ku noqoto degaamadii ay asal ahaan ka soo jeeday taasoo ay aamineen in ay ku nabad iyo amaan geli karaan.

Heshiisyadii nabad ku soo dabaalida iyo dib u heshiisiintii dheerayd isdabajoogana ahaa ee la dhex dhigay qabaa’ilkii Soomaaliyeed ee is dilay waxay beelaha qaarkood soo jeediyeen fikrad ah in wadanka laga wareejiyo jihadii xukunku ku koobnaa dowladda dhexe , laguna soo dabaalo habka federalka, qolo walibana isu raacdo sida ay deris u tahay, taasoo ahayd fikir ka soo maaxanayay caro, faan ama ficiltan kuna saleeysnaa qabka qabyaalada oo heerkii ugu sareeyay gaaray iyadoo qola waliba aysan qolada kale isku aamini Karin colaadii qaraareyd ee dadkii Soomaaliyeed ee ehelka ahaa kala gaartayna ay sababtay oraahda ninka hogaamiye beeleedka ahi la soo shirtagaana aheyd “ reer hebel ii talinmaayo” ee fikiradaas federalku kama imaaneeynin maskax nadiif ah oo bisil oo lagu habeeynayo ama lagu saxayo nidaamka Soomalidu taqaanay dhibkuna ka dhashay ee qaldanaa.

Hadaba xilliga fikradahaasi ay bilaabanayeen degaanada Soomaalidu waxay kala ahaayeen qaar ay u fududayd xilligii kala guurka ee dagaalada sokeeye ineey maamul sameeystaan taasoo ay u fududeeysay isku duubnidii qabaa’ilkaas ee ka dhalatay caradii ay qabeen iyo dhibki ka soo gaaray dagaaladaa, halka degaanada ugu badan wadanka ee kale ay dagaalladu weli ka aloosnaayeen, isla markaasina uusan ka jirin nidaam iyo hogaan mideeysan iyagoo markaa ku jiray hardan gacan ka hadal ku socday iyo isu awood sheegasho awoodoodana isugu keenay caasimada Muqdisho iyo koonfurta Soomaliya.

Shirkii dib u heshiisiinta Empaghati ee dalka Kenya ragii fikrada Federalka watay waxaa ugu cadcadaa Alaah u naxariistee Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo maamulkii uu dhidibada u taagay ee Puntland, isagoo heeystay maamul dhisan nidaam iyo kala danbeeyna leh, hase yeeshee iyadoo aan laga fekerin qeeybaha kale ee dalka ayaa la isku afgartay in bal marka hore magaca dalka Soomaaliya laga bedelo Republic lagana dhigo Federal, kedibna halkaa lagu abuuray Dowlada Federalka Soomaaliya isaguna uu madaxweeyne ka noqday dowladii ugu horeeysay ee federal lagu sheegay, oo aanan laheyn maamulo dhisan, dastuurkana uusan ku qeexneyn dowlad goboleedyo xilligaa jirtay baarlamaana ansixin

Maamuladaas ku meelgaarka ahaa ee is xigxigay waxay is lahaayeen sida ay Puntland ku dhisantay ayay ku dhismi karaan maamulada dhiman, laakiin ficilka ayaa ka hormaray fikirka umana dhicin sidii ay ku talagaleen, laakiin waxaa is weeydiin leh marka hore malaga fekeray:-

  • Federal waa maxay ?
  • Federalka aan qaadaneeyno waa noocee ?
  • Sidee ayuu ku suurta geli karaa Federal, ma hab qabiil mise hab degaan ?
  • Miyaa loo noqonayaa habkii gobollada ee 1960 mise kii qaladku ka yimid ee 1979 ?

Federal waxa uu ka yimid ereyga Latinka ah ee “Foedus” oo micnihiisu yahay heshiis siyaasadeed oo mug leh oo ay gaaraan dowlado ama gobolo nidaam dhisan leh kuna heshiiyaan ineey wadaagaan:-

  • Dowlad dhexe
  • Ciidamo qaran oo difaaca wadanka.
  • Nidaam lacageed oo mideeysan
  • Heshiisyada caalamiga ah oo ay dowlada dhexe mas’uul uga tahay maamul goboleedyada.
  • Shuruucda Maxkamadaha
  • Ilaalinta Sharciga guud ee qaranka
  • Aruurinta canshuuraha federalka
  • Maalgelinta danta guud sida Caafimaadka, Waxbarashada, Taakuleeynta danyarta iyo horumarinta tasiilaadka guud ee wadanka.

Iyadoo dowlad goboleedyadu ay xaquuqdooda iyo waajibaadkoodu yihiin:-

  • Ururinta Canshuuraha gobolka iyo Federalka
  • Ciidamada ilaalinta nabadgelyada gobolka sida Boliiska, Nabad sugida, Asluubta
  • Maxkamadaha Gobolka
  • Maamulka Waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta degaanada maamul goboleedka
  • Codsiga kaalmada uu uga baahan yahay federaalka
  • Ilaalinta sharciga guud ee federalka

Waxaa la yiri Mas ayaa wuxuu madaxa la galay god uu ku jiray dabagaale markaasuu isagoo madaxa kula jira godki gudihiisa ku laqay dabagaalihii, godka oo ciriiri ahaa ayay waxay ku qaadatay saacado inuu laqo, laakiin waxaa dhacday ineey u suurto geli weeysay inuu madaxa dib danbe ula soo boxo.

Markii aad fiirisid shuruudahaas iyo sharciyadaas nidaamka Federalka lagu dhiso Soomaalidii shirarka isagu tegi jirtay midkoodna ma soo badhigay fekradahaas qaarkood mise waxay aheyd taladoodu aheyd Mar uun Madaxa ii geli. Su’aalaha ay dadka Soomaaliyeed badankoodu is weeydiiyaan waxaa ugu horeeysa Federal noocee ah ayaan noqon karnaa.

Hadii aan taariikhda dunida dib u yara xusuusano waxaa jira wadamo badan oo qaarkood u badnaa wadamadii afrika oo xilliyadii gumeeystihii reer yururub afrika yimaadeen ay wadamadaasi kala qeeybsadeen iyo qaar uu dadkoodu kala Dhaqan, Diin iyo Luqad duwanaayeen, laakiin xornimadoodi kedib isku dayay ineey isku biiraan sameeystaana nidaam Federal ah laakiin nidaam federal-yadoodu dhicisoobeen muddo yar kedib, iyadoo ay ugu wacneeyd hababka loo soo dhisay nidaamyadaas iyo hababka loogu dhaqmay oo isla jaanqaadi waayay, waxaana tusaale aan u soo qaadan karaa wadanka Nigeria oo u qeeybsan 3dex gobol oo waaweeyn oo ay ku kala dhaqan yihiin dad Dhaqan, Luqad iyo Diin aan wadaagin, iyo sidoo kale wadanka Cameron oo xurnimadii kadib ay isku biireen labadii gobol ee (Cameron Francophone) ee ahayd qeeybtii Faransiiku gumeeysanayay iyo (Cameron Anglophone) ee Ingriiska ayna sameeysteen nidaam federal ah, iyo isku biiritaankii Zanzibar iyo Tanzania dhamaan federallada ku yimaada awood qeeybsiga ee ka dhasha dadyoowga ilbaxnimadu ku yar tahay weligood ma waarin, iyadoo ay ugu wacnayd is faham la’aan ka jirtay hab dhaqameedyada iyo fiirada gaaban dadyoowgaasi lahaayeen.

Waxaa jira dhowr nooc federal ah oo hirgalay oo aanan isku saldhig aheyn laakiin isku meel wax u wada, bal aan wax yar ka tilmaamo hababkaas wadamada ku dhaqma iyo in noocyadaas midkood uu ka suurta geli karo wadanka Soomaaliya.

  • Wadanka Imaaraadka Carabta markuu xornimada ka qaatay gumeeystihii Ingiriiska December 2, 1971 waxay isla maalintaa ansixiyeen dastuur ku meel gaar ah oo hab federal ku dhisnaa ayna wada dhigteen Todobadii Imaaradood ee uu Ingiriisku u kala jarjaray ee kala ahaa, Abu Dhabi(921.000), Dubai(2.106.00), Sharjah(800.000), Ajman(225.000), Umm al-Qaiwain(62.000), Ra’s al- Khaimah(263.200) and Fujairah(152.00).

Dastuurkaasi wuxuu qeexayay habka federalka ay doonayaan iyo wada shaqeeyntoodu noqon doonto.

  • In hab doorasho oo u dhaxeeysa keliya xubnaha Amiirada todobada Imaradood lagu dooran doono Amiirka
  • In Amiirka uu ka imaan karo keliya Amiirada Todobada Emaarad
  • Gole guurti oo ka kooban 7 xubnood Imaarad kasta
  • Golaha Guurtidu ineey shiraan 5tii sannaba mar, codna u qaadaan Amiirka, hadii uu ku guuleeystana uu shaqadiisa sii wato hadii kale Amiir cusub ay doortaan
  • Baarlamaan qaran ka kooban 40 xildhibaan, 20 Xildhibaan waa joogto oo waxaa soo xulanaya Amiirada Imaaradaha, halka 20ka kale ay doorasho ku imaanayaan xilkana haynayaan muddo 4 sanno ah.
  • Hay’adda sare ee cadaalada qaranka oo uu Amiirka guud soo doorto xubno ka kala socda todobada Emaaradood.
  • Imarad kastana ay leedahay Amiir, gole baarlamaan iyo dowlad hoose.
  • Xilliga xilka Amiirka guud oo aan xad laheyn.
  • In Imaradaha Abu Dhabi iyo Dubai ay leeyihiin codka diidmada qayaxan(Veto Power), oo ay kaga hor iman karaan haduu ka yimaado go’aan aan u cuntamin Emaradaha kale.

Iyadoo islamarkaana uu ku socday dastuurku hab tijaaba ah oo ku meelgaar ah, ayuu ugu danbayntii dastuurkaasi wuxuu noqday mid ay isku wada raaceen ayna ansixiyeen inuu noqdo dastuurka saxa ah sanadkii 1996, iyagoo inta sanno ee u dhaxeeysay ay mar waliba saxayeen haduu qalad ka yimaado.

Habkan federalka ee uu isticmaalo wadanka Imaaraadka Carabtu waa hab-qabiileed aad u fudud ayna isku aqoonsan yihiin qabaa’ilada dhulkaasi wada dega, iyagoo iska warqaba iskuna ixtixraama sida ay qabaa’ilku u kala waaweeyn yihiin, waxaana hab dhaqameedkaasi uu ku hirgalay iyadoo wadanku yahay wadan qani ah oo aysan bulshadu dhanka siyaasada ku sii jeedin iskuna mashquulin, qabaa’ilki tabasho ka timaadana ay fududahay in xalkooda si fudud lagu xaliyo cadaaladuna ay si xoogan u shaqeeyso, maadaama dadkoodu ilaah nimca badan siiyay.

  • Markii ay dhacday Xukuumadii Dergiga ee Dalka Ethiopia, maamulkii ku meelgaarka (TGE) ahaa waxay bilaabeen kana doodeen in dastuurkii wadanka lagu soo dhaqayay boqolaalka sanno la bedelo waxayna qorteen dastuur cusub oo ay kaga guureen nidaamkii Republiga una guureen habka Federalka, iyagoo wadanka u qeeybiyay 9 Gobol ama “Killil”, iyadoo gobol kastana uu leeyahay dowlad hoose iyo barlamaan iyo hogaamiye Gobol.

Waxay sameeysteen Gole baarlamaan(MFP) oo federal ah kana kooban 547 xildhibaan oo ka kala imanaya maamul goboleedyadaas iskana soo sharaxaya xisbiyada degaankaas iyadoo degaan kastaa xildhibaano xadidan la siiyay, kuna imaanaya nidaamka doorashada, shaqada hey’adani waxay la xisaabtanka hay’adaha fulinta.

Golaha Baarlamaanka Federalka Ethiopia axsaabta ay ka kala socdaan iyo iyo tirade Xisbi kasta ku leeyahay baarlamaanka 2010.

1 The Ethiopian Peoples’ Revolutionary Democratic Front (EPRDF) 499
2 The Somali People’s Democratic Party (SPDP) 24
3 Ethiopian Democratic Forces Union 0
4 Coalition for Unity and Democracy 0
5 Oromo Federalist Democratic Movement 0
6 The Benishangul Gumuz Peoples Democratic Party (BGPDP) 9
7 The Afar National Democratic Party (ANDP) 8
8 The Gambela People’s Unity Democratic Movement (GPUDM) 3
9 The Harari National League (HNL) 1
10 The Argoba People Democratic Organization (APDO) 1
11 The Ethiopian Federal Democratic Unity Forum (Medrek) 1
12 Shekko Mezhenger Peoples Democratic Unity Organization 0
13 Independent 1
Total number of seats in the House of Peoples’ Representatives
547

Gole guurti(House of the Federation) oo iyaga ka kooban 120 mudane kuna imanaya habka codka xadidan (Electroral process) iyadoo shuruudu tahay tirada dadka dhulkaas ku nool codka uu ka helo mudanaha, iyadoo aan loo fiirin baaxada dhulka qowmiyadaasi leedahay, awooda golahani waa mid aad u badan waxayna go’aan ka gaaraan xuquuqaha iyo danaha qowmiyadaha dalka kuwada nool, go’aaminta Cashuuraha federalka iyo tan gobolada, kabida iyo la macaamiltanka gobolada dalka iyo gaarida go’aamada culculus.

Tirada Gobollada Regional States( Gobollada) Number of Representatives(Mudanayaasha)
1 Tigray                                                   6
2 Afar                                                  2
3 Amhara                                                17
4 Oromia                                                19
5 Somali                                                  4
6 Benshangul/Gumuz                                                  6
7 Southern Nations, Nationalities and Peoples                                                  61
8 Gambela                                                    4
9 Harari                                                    1
Total                                                120

Habka federalkani waa kan ay ku dhaqmaan qawmiyadaha wada dega wadan, waxaana ku dhaqma wadamo aad u badan oo dadyoow kala asal ahi kuwada nool yihiin, dunida sadexaad wadamada uu ka jiro waa mid badanaa buuq,cabasho iyo is caburin lagu soo xulo mudanayaasha, qaab musuqmaasuq, dabadhilif hogaanka loo dhiibto iyo qabiilada oo la kala laaluusho ku dhisma sida nidaamka federalka Ethiopia, laakiin wadamada dadkoodu ilbaxda yahay biseylkooda siyaasadeedna uu aad u sareeyo si wanaagsan ayuu uga hirgalay sida wadanka Swezerland.

  • Habka federalka ay isticmaalaan wadamada ilbaxnimadoodu aadka u horeeyso oo aan tusaale u soo qaadan karo wadamada Mareykanka iyo Canada, waa nidaam aad u hufan kuna dhisnayn qowmiyado, qabiil ama dhaqan midoodna, shaqsi walibana uu ku noolaan karo meeshuu doono ee wadanka iskana soo sharixi karo, una tartami karo xafiiska uu doono Degmo, Gobol ama Federal, ilaa xilka ugu sareeya wadanka iyadoo shuruuda ku xiran ay tahay keliya kartida iyo aqoonta shaqsigaas, waa nidaam ay ku dhaqmaan dadyoow kala dhaqan, luqad iyo asalba ah, laakiin dadyowgaasi ay ka mideeysan yihiin horumarinta degaanadooda iyo wadamadooda, wax muran dhul iyo degaan ahina uusan dhex oolin, cadaaladuna ay tahay tan keentay isku xirnaanta dadyowgaas kala duwan, dadkuna ay sharciga iyo xuquuqdaba u siman yihiin.

Dhulka Soomaaliya oo ah dhul aad u balaaran kana badan shacabka Soomaaliyeed, inta ay ka degaana ay yar tahay xitaa hadii loo baahdo in federal lagu soo dabaalo uu nagu filan yahay, waxaan weligeed suurta geli Karin in aan qaadano mid ka mid ah noocyadii Federalada aan kor ku soo xusay.

Bal aan soo qaadano kan qabiilka ku saleeysan ahna kan aanu maanta ku socono, lana tixraaco heshiiskaan aynan Soomaalidu badankeeda ka warqabin ee Garowe One iyo Garowe Two oo ay wada galeen maaulo aanu dastuur aqoonsan iyo madaxweeyne ku meelgaar ah oo baarlamaan ku meelgaar ah doortay, islamarkaana shacabka Soomaaliyeed in ka badan 70% aaneey ka qeeyb gelin heshiisyadaas lana saxiixay xilli aanu wadanku deganeeyn oo sheegayay in 2ba Gobol iyo ka badan is raaci karaan, Puntland waxay noqoneeysaa Gobolkii Bari oo maanta ah Bari iyo Nugaal.

Maamulka Gobollada dhexena wuxuu noqonayaa Gobolkii Mudug oo maanta ah Mudug iyo Galguduud.

Maadaama Gobolkii Banaadir oo ahaa Sh/dhexe, Banaadir iyo Sh/hoose ay ku jirto Caasimadii wadanka oo maamul goboleedyada sharcigeedu ka duwan yahay, lagana jaro gobolka Sh/dhexe laguna daro Gobolka Hiiraan, waxaa halkaa ka imaanaya maamul goboboleed kale.

Dhinacan kale ee Koonfureed mushkilad sidaa u weyn kama taagna Alta Jubba iyo Basso Jubba waa labada hadda dhisme ku socdo dadka degaamadaasi deganina aysan aheyn dad buuq badan oo u badan dad xoogsato ah una baahan nabad iyo kala danbeeyn ay ku shaqeeystaan, laakiin mushkiladu waxay ka jirtaa dhanka gobolladii la oran jiray Mudug iyo Bari, hadaba hadaan dib ugu noqono gobolka Mudug waxaa isla dega dad ka kooban Soomaali oo dhan, qeyb bulshadaa ka mid ahi waxay ehel yihiin maamulka Puntland, laakiin su’aashu waxay tahay habka maanta loogu doodayo in gobolka Mudug oo 5 Degmo ah qeyb waliba ay raacdo qabiilkeeda, waxaa meesha ka maqan oo aan xisaabta lagu darin in Gobolka Galguduud xitaa ay degan yihiin dad la ehel ah Puntland.

Nin baa waxaa la yiri qaadka cuni jiray wuxuuna kookada uu qaadka ku cuno ka soo iibsan jiray gabar dukaan ku laheyd xaafada uu deganaa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa u timid gabar ay isku reer yihiin oo dukaan ka furatay meel isaga u dhoweyd markaas beey ku tiri “ war heedhe maa kookada aniga iga iibsatid soow taan ina adeertaa ahay”, kolkaasuu maalintii xigtay wiil kookaha u soo iibin jiray ku yiri war yaaahee iiga soo iibi kookakoolada heblaayo oo aheyd tii reerkiisa aheyd, markii loo keenay kookadii ayuu isagoo qayilayay hal mar kabaday, markaasuu isla markiiba tufay isagoo yiri “Alla Qabyaaladi Kululaa” oo uu ula jeeday kookadii qaboobeeyd ee uu cabi jiray iyo tan uu maanta qabyaalad ku raaca, maadaama aysan gabadha reerkiisa ahi Talaagad(Frintijeer) heeysan.

Reer igu ehel ah oo aan igu degaan ahayn aadna iiga fog danta iiga xiran iyo kaalmada aan ka heli karo miyaysan ka wanaagsaneeyn reerka aad ood wadaag tihiin oo dhibkaada ka warqaba miciina kuugu dhow inaad wax wada dhisataan, teeda kale dagaalkii dheeraa ee dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen burburka iyo dibu dhaca xal ma u noqon karaa in dib loogu laabto dhaqankii duuga ahaa ee laga tegay iyo qabiilka aan wax guula lagu gaarin weligeed, dagaalada ka soo cusboonaaday Gobollada dhexe iyo hugunka ka jira dhulalka maanta la rabo in maamul laga dhiso waxay i xusuusineeysaa.

Waxaa la yiri Nin baa Xaaskiisa raashinka la cuni jiray, markaas baa aabihii maalin u soo martiyay, wuxuu arkay wiilkiisa iyo xaaska oo raashinka wada cunaya oo ay xaasku aad uga boobeeyso iyo wiilkiisa oo caato badan, markaasuu ku yiri, beryahaan aan martida idiin ahay aniga iyo adiga ayaa wada cuneeyna u sheeg xaaskaaga, maalintii xigtay ayay odaygii iyo wiilkiisa oo weel ku wada cunaya ayuu wiilkii arkay odayga oo gabadha ku maqan oo aad u eegaya sida ay raashinka labada gacan ugu cuneeyso markaasuu wiilkii yiri “ Aabe inti ay aniga iga gooyn jirtay maanta iyadaa iska gooyneeysa ee bal eeg”

Arintu hadda waxay taagan tahay ama soo muuqanaya dhibaatada Soomaaliya dhulkii asalka u ahaa ineey arintu ku soo uruurtay, maamul hore u dhisnaa ahaana maamulkii lagu saxiixay 2ba Gobol iyo ka badan sharcigii ahaa oo meel taagan iyo kuwo degmooyin dowlado u ahaayaayeen ilaa muddo oo iyaguna dareemay inaaneey dastuurka ku qorneyn laba degmo iyo wixii ka badan, oo dastuurku sheegayo Laba Gobol iyo wixii ka badan oo is eeganaya, iyadoo maamulka Puntland uu rabo inuu nidaam sharci daro ah ka dhigo maamulka gobolada dhexe ka imaan doona, isagoo muujinaya inaanu sharciga waafaqsaneyn gacantana kula jiro degaamadaas isaga ku ehelka ah laakiin aaneey ood wadaag aheyn, boobkaas iyo kala celintaas ficiltanka aan faa’iido laga gaarin weligeed waxay dib u dhigi kartaa ama daciifin kartaa inaanu weligiis Soomaaliya ka hanaqaado nidaamka Federalka oo dadka Soomalida oo dadka qaarkood la qurxoon.

Soomaali badan ayaa burburkii kedib aduunka afartiisa dacal iyo 5 qaaradood degtay, waxay ka soo kororsadeen habka aduunka nabada jecel iyo ilbaxnimadu u hanaqaaday, isla qurba joogtaas dibadaha iyo wadamada reer galbeedka timid kuna nool wadamo nidaamyada ay isticmaalaan uu yahay Federal ogna horumarka uu lahaan karo hadii sida haboon loo raaco ayaa waxay Telefishanada iyo Idaacadaha kaga doodaan ineey doonayaan nidaam ay ku tilmaamaan Federal laakiin aysan fasiri Karin, iyagoo aanan u doodin hab degaan ee dooda sal uga dhigaya federal ku dhisan kala deganaansho, Iska daa inaan haweeysano nidaamyada kale ee macquulka ah ee horumarsan laakiin waxaa nasiib darro ah inaan u noqonay habkii asalka ahaa ee beelaha ku dhisnaa iyo reer hebel baa caanaha keena magaalada iyo reer hebel baa ku badan magaalo.

Ciidamo kala socda oo aan kala amar qaadan qaab qabiilna u dhisan, madax maamul goboleedyo oo la baratama dowladii ay ku magacaabeen Federal, iyo falal ka soo horjeeda nidaamka federalka ee dunidu ku dhaqanto, waxay ku tusineeysaa inaaneey Soomaaliya diyaar u aheyn federal ee ay u socoto ficiltan iyo fawdo, Suurta gal ma aha in la sii kala guuro, Soomaali waa wiil, walaal, xidid iyo ehel, suurta gal maaha in lagu heshiiyo hab federal qabiil iyo qoys ku dhisan, suurta galna maaha in Soomaali lakala dejiyo, Soomaaliya ha is raacdo.

________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment