2052 Views

Burcadbadeed Soomaalid ah oo Weeraray doon laga leeyahay Taiwan

Burcadbadeed Soomaalid ah oo Weeraray doon laga leeyahay Taiwan
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 08, 2018 —Doon nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay  Taiwan ayaa sheegtay in ilaaladeeda ay toogteen Koox burcad-badeed ah meel ku dhow biyaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya Subaxdii Arbacadii.

Ku-xigeenka Agaasimaha Hay’adda Kalluumeysiga ee Taiwan Lin Qo-ping ayaa xaqiijiyay in Kooxdaasi la dilay ka dib markii ay doonta Weerar kusoo qaadeen xilli ay mareysay meel u dhow xeebaha Soomaaliya.
Doonta waxaa u suurta gashay in ay ka cararto goobta, iyada oo dhammaan shaqaalahihii Saarnaa ay Ammaan qabaan.

Doontaan oo lagu magacaabo Taiwan Tuna Longline Association ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay xoogeystay bilihii lasoo dhaafay,islamarkaana ay dhowr jeer galeen halis ah in ay gacanta u galaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Waxaa looga  digay doonyaha kalluumeysiga ah ee ka shaqeynaya badweynta Hindiya in ay ka digtoonaadaan burcad-badeedda iyo in ay ka fogaadaan biyaha u dhow Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment