831 Views

Ciidamada Amxaarada oo Wacad ku maray inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga

Ciidamada Amxaarada oo Wacad ku maray  inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 15 2021

`Wararka ka imaanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in xaalada ay aad uga soo darayso kadib guulo ay ka gaareen Dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia Maleeshiyaadka TPLF.

ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa mar kale waxa uu hanjabaad Hawada u mariyay Maleeshiyaadka TPLF oo qabsaday Gobolo hor leh, waxayna Goboladaas u badan yihiin Gobolada ay dagaan Amxaarada.

ciidamada Amxaarada ayaa sheegay inay qaadayaan weerar ka dhan ah Tigray-ga. Kadib Xasuuq loo geestay Amxaarada maalmihii la soo dhaafay.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Amxaarada ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay kicinayaan ciidamadooda si ay u qaadaan weerar ay uga hortagayaan Tigray-ga.

“Maamulka gobolka wuxuu hadda ka baxay difaaca, wuxuuna qaaday weerar,” ayuu yiri afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh, oo la hadlay warbaahinta Amxaarada.

Sidoo kale, Dhaqaaqa Qaranka Amxaarada, oo ah xisbi siyaasadeed weyn, ayaa ugu baaqay maleeshiyada gobolka ee loo yaqaan Fano inay is-abaabulaan. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post