615 Views

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ooo Qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ooo Qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool
____________________________________________________________________________


Sabti: October 30, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Xudur ku Qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool oo ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo ka qeybqadashada hormarka Gobolka iyo Xaqiijinta Amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Sidoo kale kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ururada Haweenka Gobolka Bakool ee ka qeybgalay kulanka ayaa  Madaxweynaha Warbixin ka siisay Doorka  Haweenka ee ka qeyb-gadasha Amniga iyo Hormarka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Haweenka Gobolka Bakool uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Dowlad dhiska iyo ka shaqaynta Amniga.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa magaalada Xudur.

“waxaan idinku amaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen la shaqaynta laamaha amniga si dhibaatada argigixisada looga dulqaado shacabka ku nool gobolka bakool,baahiyaha aad soo gudbiseen sida ugu dhow ayaan wax uga qaban doona, hormarka iyo amniga gobolka qof waliba ayaa mas’uuliyad ka saarantahay, waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan ufurno wadooyinka bulshadana ay uhelaan waxa ay ubaahanyihiin.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada Degmada Xudur ka wado kulamo kala Duwan oo uu la qaadanayay Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post