990 Views

Taliye Cabdi Xamiid oo kulamo ka wada degmada Baardheere

Taliye Cabdi Xamiid oo kulamo ka wada degmada Baardheere
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 29-2020—Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal C/xamiiid Maxamed Dirir oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada qalabka General Liibaan Cali Yarow ,Xeer ilaaliyaha Guud Maxkamada Ciidamada qalabka Sida iyo Taliyaha qeybta 43aad ee Janeral Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa la Kulmay odayaasha Dhaqanka ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Sareeye Guuto C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa Odoyaasha dhaqanka ee Degmada Baardheere kala hadlay in ay ka qeyb qaataan xasilinta dhinaca Amniga iyo Horumarka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

 

 

Waxaa uu ka codsaday taliyaha in Maamulka degmada iyo Saraakiisha ciidamada taageeraan kalana Shaqeeyaan dhinacyada Amniga & horumarka.

 

Odayaasha dahqanka degmada Baardheeree ee uu la kulmay taliyaha ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen booqashada uu ugu yimid, iyaga oo balan qaadey inay dowladda Federaalka kala Sahqeyn doonaan arrimo badan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment