984 Views

Sheekh shariif “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in la galo tartan xor ah

Sheekh shariif “Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in la galo tartan xor ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 4, 2021

Shiikh Shariif Shiikh Axmed  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay isku tanaasuleen musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay inaysan waxba kajirin wararkaku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar taas oo meesha ka bixineysa wararka maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay ee ku saabsanaa in ay isku tanaasuleen siyaasiyiinta mushatixiinta ah ee kasoo jeeda beelaha Mudullood.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in la galo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay”.

“Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba  kajirin wararkaku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post