366 Views

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Jeyte oo shaaciyey inuusan tegi doonin xafiiskiisa illaa shabaab laga saaro Hiiraan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan  Jeyte oo shaaciyey inuusan tegi doonin xafiiskiisa illaa shabaab laga saaro Hiiraan.
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray deeganka Goobo ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha iyo saraakiisha ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey shacabka deegaanka, iyaga oo ku bogaadiyey dadaallada mira-dhalka leh ee ay wadaan Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka-sida, taasi oo ay sheegeen inay ku garab istaagayaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa markii u horeysay halkaasi ka shaaciyay in uusan ku noqon doonin xafiiskiisa shaqada illaa inta laga xaqiijinayo himilada nabad-galyada ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa uu ciidamada dib u xoreynta deegaanada gobolka Hiiraan ee ku sugan deegaanka Goobo kula dardaarmay in la dhameystiro guulaha wax tarka leh ee la gaaray, islamarkaana la dardar-geliyo.

Shacabka deegaanka ayaa dhankooda waxay ballan-qaadeen inay xoojin doonaan wada-shaqeynta Ciidamada Qalabka-sida iyo maamulka gobolka, si loo xoojiyo nabadda iyo la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, loogana saaro goobaha ay ku dhuumaleysanayaan.

Ugu dambeyntiina Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in cadawga jab xoogan la gaarsiiyay, islamarkaana aysan xiligaan hayn awood ay kusii dagaalamaan, isaga oo kula dardaarmay bulshada gobolka inay sii wadaan garab istaaga halganka ay wadaan maamulka iyo ciidamada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post