1041 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Qaraxii shabaab xalay ku dishay Saraakiisha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Qaraxii shabaab xalay ku dishay Saraakiisha
____________________________________________________________________________

May 10 2021

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u Cambaareyey Qaraxii Al-shabaab ay xalay ka fuliyeen saldhigga degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qoraalka R/wasaare Rooble ayaa u qornaa sidan:-

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post