798 Views

Wasaaradda kalluumeysiga oo jawaab kulul siiyay Hay’adda Global Initiative

Wasaaradda kalluumeysiga  oo jawaab kulul siiyay Hay’adda Global Initiative
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya  ayaa jawaab ka bixisay warbixin dhowaan kasoo baxday Global Initiative oo ah urur caalami ah oo daraaseeya dambiyada abaabulan, wuxuuna si gaara uga hadlay arimaha kalluumeysiga.

Warqad kasoo baxday wasaaradda kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya oo loogu jawaabayey Global Initiative ayaa lagu sheegay in warbixinta uu soo saaray ururkaasi ay tahay dacaayad lagu suura xumeynayo horrumarada laga sameeyey kalluumeysiga.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in warbixintan si gaar ah loogu beegsaday iyada, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed, sida qoraalka jawaabta ah lagu sheegay.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in arrintan looga gol-leeyahay in lagu difaaco dano shisheeye, gaar ahaan maraakiibta xaalufinta ka wada xeebaha dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post