816 Views

Ruushka oo farriin u diray ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya Mariupol

Ruushka oo farriin u diray ciidamada Ukraine ee ka dagaalamaya Mariupol
____________________________________________________________________________

Axad:: April 17, 2022

Ruushka ayaa ciidamada Ukraine ugu dambeeya ee difaacaya magaalada aadka loo duqeeyay ee Mariupol u sheegay in ay naftoodu la badbaadin doono haddii ay isa soo dhiibaan saacadaha soo socda.

Afhayeenka wasaaradda difaaca ee Ruushka Igor Konashenkov ayaa sheegay in ciidamadoodu ay magaalada ka sifeeyeen wax walba oo iska caabin ah, marka laga reebo biraha daadsan waddoyinka.

Ruushka ayaa si rasmi ah ugu digay Maraykanka iyo xulafadiisa hubka ku taageera Ukraine.

Qoraal diblomaa siyadeed oo ay Moscow u dirtay Washington, oo nuqul kamid ah ay darseen warbaahinta Maraykanka ayaa lagu sheegay in hubka lagu taageero Ukraine ay ka dhalan karto “cawaaqib aan la saadaalin karin”.

Qoraalka oo la diray Talaadadii ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanka uu taakulo milateri oo dhan 800 oo milyan oo dollar uu u dirayo Ukraine.

Waxaa hubkaas kamid ah madaafiicda goobaha fog duqeeya, si xukuumadda Kyiv ay ugu babac dhigto awoodda milateri ee Ruushka.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa sheegay in digniinta Ruushka loo fasiran karo in kaalmada milateri ee la siiyay Ukraine ay wax badan ka tartay furimaha dagaalka.

Kaalmada milateri ee Maraykanka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaarto Ukraine, xilli ciidamada Ruushka ay isku urursanayaan bariga dalkaas si ay duullaan ballaaran ugu qaadaan gobolka Donbas todobaadyada soo socda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post