1026 Views

Dowlada CANADA oo war kasoo saartay dilkii Wariye Cabdicasiis Afrika

Dowlada CANADA oo war kasoo saartay dilkii Wariye Cabdicasiis Afrika
____________________________________________________________________________



isniin: November 22, 2021

 Dowladda Canada ayaa war kasoo saartay qarixii is-miidaaminta ahaa ee habeen hore ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo lala beegsaday agaasimaha Radio Muqdisho iyo agaasimaha SNTV.

Canada ayaa marka hore si xoogan u cambaareysay dilka Wariye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay haboon tahay in la joojiyo caga-jugleynta iyo hanjabaadyada ay la kulmayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

”Dhammaan saxafiyiinta waa in ay ku dhaqmaan iyada oo aan la faragelin, caga-jugleyn, hanjabaad, rabshad iyo aargoosi la’aan,” ayaa war kooban oo kasoo baxay guddiga Sare ee ee dowladda Canada u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa baaq loogu diray hay’adaha amMaanka Soomaaliya oo laga dalbaday inay dabagal iyo baaris ku sameeyaaan kooxihii ka dambeeyey dilkaasi.

Weerarkan is-miidaaminta ahaa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay agaasimaha Telefashinka Qaranka Sharmaa’arke Maxamed Warsame iyo darawal la socday.

AUN Cabdicasiis Afrika oo shalay lagu aasay magaalada Muqdisho ayaa ahaa saxafi ku dhowaad 15 sano ka howl-galayey warbaahinta dowladda, waxaana lagu xasuustaa barnaamijka Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab, xogtoodana lagu soo bandhigo.

By Istar Cabdi Yuusuf

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post