1119 Views

Hoggaamiyeyaasha caalamka oo tacsiyeeyay geerida ku timid Amiir Philip

Hoggaamiyeyaasha caalamka oo tacsiyeeyay geerida ku timid Amiir Philip
____________________________________________________________________________

April 10, 2021

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amirkii Edinburgh, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu tacsi u diray boqoradda Ingiriiska.

Wadaadka ugu weyn madhabta diinta Katooliga ah Pope Francis ayaa ku tilmaamay Amiir Philip in u ahaa nin ku xusan diiwaanka adeegga dadweynaha isla markaana uu yahay nin sharaf leh oo dadaal geliyay waxbarashada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa sheegay in xilliggan uu murugada la qeybsanayo qoyska boqortooyada.

Halka wasiirka arrimaha dibadda Taiwan uu ku tilmaamay Amiirka hoggaamiye caalami ah.

Australia waxaa la riday 41 madfac oo lagu xusayo Amiir Philip

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post