1209 Views

Gaari ay la socdeen Arday oo lagu rasaaseeyay Muqdisho iyo Dhaawacyo ka dhashay

Gaari ay la socdeen Arday oo lagu rasaaseeyay Muqdisho iyo Dhaawacyo ka dhashay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Gaari ay la socdeen Arday ayaa saaka lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho, kaddib markii Askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furay.

 

Sida ay sheegayaan wararka gaarigan ayaa lagu rasaaseeyay xilli uu marayay bar koontarool oo ciidamada ku hubiyaan gaadiidka oo ku taal degmada Dharkeenley.

 

Wararka ayaa sheegaya in gaariga ay saarnaayeen arday dhigata Iskuulka Al-Anwaar Ex Dhamme Yaasiin Carte), waxaana ku dhaawacmay saddex arday oo walaala ah oo labo ka mid ah ay gabdho ahaayeen.

 

Saddexda arday ee ku dhaawacantay ayaa lagu magacaabaa Safiyo Dahir, Hodan Dahir iyo Zakariye Dahir.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Askarigii falkaas geystay uu goobta ka baxsaday, ma jirto illaa hada wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka dowladda.

 

Inta badan ciidamada dowladda ayaa rasaas ku rida gaadiidka, iyagoo aanay u fiirsan, waxaana dilalka ugu badan ee ka dhaca Muqdisho qeyb ka ah Askarta ilaalada ka heysa waddooyinka oo looga bartay in hadalkooda ugu horeeya ay tahay rasaas ay kugu ridaan.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment