1146 Views

Madaxa Golaha Sare ee Dowladda Liibiya oo ugu baaqay dhinacyada hubeysan inay qaadacaan doorashada

Madaxa Golaha Sare ee Dowladda Liibiya oo ugu baaqay dhinacyada hubeysan inay qaadacaan doorashada
____________________________________________________________________________

Arbaco : November 10, 2021

Madaxa Golaha Sare ee Dawladda Liibiya, Khaled Al-Mashri, ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan si uu ugu boorriyo inay diidaan doorashooyinka, sida uu maanta qoray wargeyska Al-Marsad ee ka soo baxa Libya.

Wargeyska oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in madaxda ciidamada ay soo saari doonaan bayaan la xiriira mowqifkooda ku aadan doorashada la qorsheeyay in Liibiya ay ka dhacdo 24-ka bishan December ee soo socoto.

Sidokale waxa jira Warmurtiyeedka ay soo saareen golaha shacabka Liibiya, kadib markii sida la sheegay ay u arkeen doorashada la qorsheynaayo mid ka hor imaaneyso dastuurka iyo heshiiskii siyaasadeed ee horay loo gaaray.

22 ka mid ah hogaamiyayaasha kooxaha hubeeysan ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku diiddan yihiin sharciyada doorashada ee ay soo saareen Guddiga doorashada, sida uu baahiyay TV-ga Al-Axraar ee laga leeyahay Liibiya.

Kooxaha hubeeysan ee Liibiya ayaa dalbaday in dib u eegis lagu sameeyo sharuudaha  doorashooyinka, taas oo sida ay sheegeen ay ku adkeeynayaan  in  doorashada wakhtigeeda lagu qabto.

Bayaanka ayaa lagu eedeeyay Guddoomiyaha guddiga doorashada Liibiya, Cimaad Al-Saa’ix , iyo xubnahii Baarlamaanka ee ansixiyay sharciyada Doorashooyinka, taa oo wiiqeysa  xasilloonida dalka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale loogu baaqay Guddiga doorashada in ay u hoggaansamaan sharciga dalka, sidokalana Siyaasadda ay dhexdhexaad ka noqdaan, si waafaqsan dastuurka iyo heshiiska siyaasadeed ee horay loo gaaray.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post