918 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wafdi ka socda dowladda Ireland

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Wafdi ka socda dowladda Ireland
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.
Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM.

Sidoo kale waxaa ay kulanka looga hadlay Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay.
Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Covene ayaa waxaa ay horay ula kulmeen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post