1137 Views

Maxaa ka jira in Wasiir ka tirsan Soomaaliland uu safar qarsoodi ah ku tegay Israa’iil?

Maxaa ka jira in Wasiir ka tirsan Soomaaliland uu safar qarsoodi ah ku tegay Israa’iil?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  31, 2019 –Maalmihii la soo dhaafay ayaa dadka Baraha Bulshada isticmaala ee u nool deegaanada soomaaliland waxa ay faafinayeen in Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Baarlamaanka uu socdal qarsoodi ah dhulka Yahuuda ee Israa’iil.

Hayeeshee Wasiirka Dastuurkja Soomaaliland Maxamed Xaaji Aaden ayaa warkaasi been abuur ku tilmaamay,isaga oo sheegay in isagu uu joogo Soomaaliland,isla markaana wax walba oo la qorayo la iskula xisaabtamayo.

“Horta anigu Soomaaliland ayaan joogaa,laakin waxaan idin sheegayaa in waxa la sheegayo iyo waxa la qorayo in leyskula xisaabtami doono Aduun iyo Aakhiro,waxaana la yaabanahay` in shaqsi ama hay’addo warar been ah ay iska abuuraan ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliland.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal haayey xiisada Israa’iil oo Mareykanku u aqoonsaday inay leedahay Dhul ka mid ah Siiriya,waxaana xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay Shaqada ka ceyrisay Agaasime taageero u muujiyey Israa’iil.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment