462 Views

Nin maxbuus ahaa oo ka baxsaday Xabsiga dhaxe ee Xamar

Nin maxbuus ahaa oo ka baxsaday Xabsiga dhaxe ee Xamar
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 9, 2022

Shalay gelinkii dambe, ayaa mid ka mid ah maxaabiista ku xirnaa xabsiga dhexe uu ka baxsaday gacanta ciidanka Asluubta.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa ii xaqiijiyay in maxbuuska oo ku xirnaa xabsiga dhexe kuna xukunaa 15 sano loo soo qaaday isbitaalka Martiini, si loogu sameeyo adeeg caafimaad.

Wararka ayaa sheegaya in ay soo wadeen laba qof oo midi yahay kooxda caafimaadka ayna geeyeen isbitaalka Martiini.

Maxbuuska ayaa la sheegay in uu ka dalbaday in uu galo musqul sidaasna ay ku waayeen kooxdii waday.

Ciidanka Asluubta ayaa xiray labadii qof ee waday maxbuuska, waxaana hadda socda baaris.

Maxbuuska baxsaday ayaa ka mid ahaa Alshabaab, waxaana maxkamadda ay ku heshay in uu xubin la ahaa Al-shabaab sidaas ayaana loogu riday xukun dhan 15 sano oo xabsi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post