429 Views

Ciidamada Dowladda oo Howlgalka dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Muqdisho.

Ciidamada Dowladda oo Howlgalka dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

Talaado: July 05, 2022

Xili degmooyinka qaar ee Magaalada muqdisho qaati looga tagan yahay Kooxo hubaysan oo dhac iyo dil isku daraya dadka ayaa xalay Ciidanka Gaarka ah ee NISA waxa ay howlgallo qorsheeysan ka sameeyay degmooyinka Howlwadaag, Wartanabadda, Yaaqshiid, Kaaraan iyo gubadleey.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii cabasho xoogan ay ka timid shacabka, ku dhaqan degmooyinka qaar ee Muqdisho kuwaasi oo ka cabanayay Tuugo xiliyadda habeenkii ah dhac u gaysta.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor ayaa hogaaminayay howlgalka ay muqdisho ka sameeyeen Ciidanka NISA, waxaana lagu soo qabqabtay kooxo ku heeysan, Bostooladdo iyo (mindiyo) kuwaa oo tiradoodu ay gaareeyso ilaa 7 Ruux, iyagoona u gudbiyay Booliska si baaris loogu sameeyo.

Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobalka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor oo la hadlay shacabka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkani uu bilaaw u yahay Howlgallo ay Ciidanka NISA ka bilaabeen Muqdisho, si amni xumada muqdisho ay u xakameeeyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post