1371 Views

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabtaoo is-weydaarsaday hadallo kulul

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabtaoo  is-weydaarsaday hadallo kulul
____________________________________________________________________________

Isniin: July 5, 2021

Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xiriira soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+.

Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka.

Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka.

“Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal.

Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta.

OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka.

Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay.

“Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei.

Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa.

Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post