906 Views

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun ku riday Wariye Kilwa

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun ku riday Wariye Kilwa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo  Arbaco ah waxaa ay xukun ku riday Wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xiray laamaha Amniga Puntland.

Wariyaha ayaa Maxkamadda waxaa ay ku riday xukun xarig Saddex bilood ah oo ka bilaabanaya  markii la xiray oo ah 28-ki Bishii December sanadkii 2020, waxaana u haray muddo saddex maalmood ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee ayaa sheegtay in aysan wax caddayn ah u hayn, eedo loo soo jeediyey oo ah in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo.

Maxkamadaynta Wariye Kilwe Aadan oo ka dhacday Xabsiga dhexe ee Garoowe waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe.

Xukunka Maanta Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee Puntland ku riday Wariye Kilwa Aadan Faarax ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Madaxweynaha Puntland uu fagaare ka sheegay in Wariyaha uu yahay dambiile, dhawaana Maxkamad la horkeeni doono, iyada oo ugu dambeyn Maanta la xukumay.

Wariye Kilwa Aadan Faarax ayaa ka hor xarigiisa waxaa uu bartiisa Facebook uu soo geliyay muuqaalka dad banaanbax looga cabanayay sicir barar ka dhigay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal taas oo keentay in la xiro.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post