2265 Views

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la gaynayo Xabsiga Dhexe ee Xamar

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la gaynayo Xabsiga Dhexe ee Xamar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 10, 2018 – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM la geeyo Xabsiga dhexe ee Xamar si ay uga qeyb qaataan sugida amniga Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in taliyaha Ciidanka booliska Somaaliya uu ka codsaday in Ciidamo AMISOM ah lagu soo xoojiyo Xabsiga si ay amniga u xaqiijiyaan.

Waxa uu sheegay in  tiro yar oo Booliska AMISOM ah ay joogaan balse loo baahan yahay Ciidamo kale oo ka socda AMISOM oo xoojiya,maadaama taliskii ciidanka Asluubta uu u gaaray Xaruntiisa Wey n ee ku taalla duleedka Muqdisho.

Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira dad badan kuwaas oo siyabo kala dwuan loo soo eedeyey,haba ugu badnaadaane kuwo loo keenay dhaqancelin.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment