765 Views

Ingiriiska Oo u Soo Baxay Final-Ka Euro 2020 kadib markii 2-1 uga adkaaday xulka Denmark

Ingiriiska Oo u Soo Baxay Final-Ka Euro 2020 kadib markii 2-1 uga adkaaday xulka Denmark
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Xulka kubbada cagta Ingiriiska ayaa noqday xulkii labaad oo u soo baxay kam-dambaysta (final) tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, kadib markii 2-1 uga adkaaday xulka Denmark, ciyaar waqti dheeriya lagu daray.

Xulka Denmark ayaa daqiiqadii 30-aad la hormaray gool uu ka caawiyay Mikkel Damsgaard, hase ahaatee sagaal daqiiqo kadib ciyaartu waxay noqotay 1-1, markii uu gool khalad ah iska dhaliyay Simon Kjaer.

Kulanka oo ahaa mid adag oo labada kooxood ay isku awood ahaayeen ayaa 90 daqiiqo ee loogu tala galay ku dhamaatay 1-1, waxaana lagu daray 30 qadiiqo oo dheeriya.

Harry Kane ayaa daqiiqadii 104–aad keenay goolka xulkiisa gaariiyay kam-dambaysta tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020.

Xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa kulanka kama-dambaysta ciyaari doona maalinta Axada ee todobaadka dambe, wuxuuna ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post