885 Views

Xil.Cabdullaahi Sheekh”Baarlamaankii Soomaaliyeed baa maanta Galmo ka doodaya”

Xil.Cabdullaahi Sheekh”Baarlamaankii Soomaaliyeed baa maanta Galmo ka doodaya”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa diiday ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo ah Mashruuc sharci oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Sharciga maanta la horkeenay baarlamaanka Soomaaliya uu kasoo horjeedo diinta islaamka.

Waxaa uu sheegay sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in golaha Shacabka la ilaaliyo Sharaftooda.

”Baarlamaankii Soomaaliyeed baa manta Galmo ka doodaya oo lasoo ag dhigay waxay dhaawac ku tahay Sumcaddiinna guddoomiye iyo kan baarlamaankaba mana ahayn inuu baarlamaanka uu soo gaaro,Waa Bullaacad kan ee Sharci maahan,Guddoomiye biyo iyo bullaacad iyo wasaqba haddii aad baarlamaanka kusoo deysaan ilaahay ka baqe maxaa dhacaya guddoomiye?” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post