843 Views

Xaaladda magaalada Muqdisho oo saakay Dagan iyo waan waan laga dhex bilaabay

Xaaladda magaalada Muqdisho  oo saakay Dagan iyo waan waan laga dhex bilaabay
____________________________________________________________________________

April 26-2021

 Waxaa saakay dagan  Xaaladda magaalada Muqdisho kadib Dagaal socday ku dhawaad 5 saac uu xalay ka dhacay Isgoyska Km4 ilaa afaafka hore ee wadada Madaxtooyadii hore ee C/qaasim ilaa tarabuunka.

Waan-waanta ayaa waxaa wada ra’iisul wasaare Rooble, oo la xiriiray musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud, una sheegay in dowladda ay dooneyso xabad-joojin iyo heshiis.

C/raxmaan C/shakuur oo warbaahinta qadka taleefanka kula hadlay ayaa sheegay in uu la soo xiriiray Rooble xalay waqti danbe.

“Mar dhexe ayaa ra’iisul wasaaraha ila hadlay oo uu sheegay inuu doonayo in la joojiyo dagaalka, waxaan sidoo kale fahamsanahay inuu wacay Xasan Sheekh, mana hubo inay wada hadleen. Waxaan iri ‘haddaad wax ka qaban karto oo dagaalka joojin karto, oo aad awood leedahay ahlan wa sahlan, soo dhowow’,” ayuu yrii Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaas ku daray in goor dambe ay soo waceen rag ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha una sheegeen inay ciidankii dagaalka ku jiray ay bixinayaan.

Sidoo kale Waxaa sidoo kale saaka socda dadaallo dheeri ah oo lagu xaqiijinayo in xabadda aysan dib u billaaban, waxaana sidoo kale qeyb ka ah odayaal dhaqameeyo iyo madaxda Galmudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post