1029 Views

Sawirro:-Kheyre Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Sawirro:-Kheyre Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha Wasiirrada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed oo looga hadlay dar-dar-gelinta shaqooyinka tubaha Koonfur Galbeed.

 

Mudane; Khayre, ayaa sheegay in ku shaqeynta tubuhu ay qeyb ka noqoneyso dejinta nidaam lagu shaqeeyo mustaqbalka, loona baahan yahay in wadajir looga howl-galo si loo fududeeyo hir-gelinta halbeegyada tubaha ee muhiimka u ah u adeegidda Bulshada, gaaridda hadafyada waaweyn  ee Qarannimo iyo hir-gelinta himilooyinka Bulshadu ay leeyihiin.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo golaha Wasiirrada u sheegay in socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhageysiga Bulshada si loo helo fikirkooda horumarineed, wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo maamul Gobaleedyada si loo hirgeliyo qorshayaasha horumarineed ee Shacabka lagu gaarsiinayo amni hagaagsan, caafimaad iyo waxbarasho tayo sare leh oo Lacag la’aan ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment