720 Views

Ingiriiska oo ciidamo hor leh u daabulayo dalka Ukraine digniinna u diray Madaxweynaha Ruushka Putin

Ingiriiska oo ciidamo hor leh  u daabulayo dalka Ukraine digniinna u diray  Madaxweynaha Ruushka Putin
____________________________________________________________________________


Axad: January 30, 2022

Dowladda Britain ayaa sheegtay in todobaadka soo socda ay Yurub ka billaabi doonto dedaallo isugu jira dhinacyada diblomaasiyadda iyo milateriga, xilli ay sii kordhaysa xiisadda u dhaxayso Ukraine iyo Ruushka.

Ra’iisal wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu laba-laabo tirada ciidamadiisa NATO ee ku sugan dalalka Baltic-ga iyo Bariga Yurub, iyo in uu hub difaaca u diro dalka Estonia.

Ra’iisul wasaaraha, oo sidoo kale booqan doona bariga Yurub toddobaadkan, ayaa sheegay in UK aysan u dulqaadan doonin “dhaqdhaqaaqyada xasilloonida ah ee Ruushka wada, mar walbana waan garab istaagi doonaa xulafadayada Nato”.

Waxa uu intaasi ku daray “Haddii Madaxweyne Putin uu doorto waddo dhiig ku daata iyo burbur, waxay ku noqon doontaa masiibo soo wajahda Yurub, Ukraine waa inay xor u noqotaa inay doorato mustaqbalkeeda.

“Waxaan ku amray ciidamadeena qalabka sida in ay isu diyaariyaan in la geeyo Yurub oo dhan todobaadka soo socda, si aan u xaqiijino in aan awoodno in aan ka taageerno xulafadayada Nato ee dhulka, badda iyo cirka.”

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post