927 Views

Dowladda federaalka Soomaaliya oo soo rogtay amar ku aadan isku socoda,. Xili banaanbax lagu balansan yahay..

Dowladda federaalka Soomaaliya oo soo rogtay amar ku aadan isku socoda,. Xili banaanbax lagu balansan yahay..
____________________________________________________________________________

feb /2/2021

Xili maalinta Jimcaha ah lagu wado in uu dalka ka dhaco banaanbax wayn oo looga soo hor jeedo sii joogitaanka Villa Somaliya, Madaxwseynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo ayaa waxaa soo baxaya amar ay soo rogeen Xukuumada Somaliya manta.

 Dowlada ayaa soo rogtay amar ay sheegtay in looga hor tagaayo  cudurka Coronavirus oo markale kusoo laba-kacleeyay dalka, kadib shir ay maanta iskugu yimaadeen Wasaaraddaha qaabilsan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka Covid-19.

Shirkaasi oo uu shir-guddoomiyey ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiina, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa lagu go’aamiyay in la xakameeyo dhaq-dhaqaaqyada bulshada, ayada oo xooga la saarayo in meesha laga saaro isku-imaatinka dadka badan.

Sidoo kale Awaamiirta kasoo baxay shirkan ayaa waxa lagu fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe, waxaana gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.

Sidoo kale waxay xukuumaddu waajibisay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask, ayada oo la joogteynayo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir.

Amarka soo baxay ayaa sidaan u qornaa

Hoos ka aqriso awaamiirta ay xukuumadda soo saartay;

  • In la fasaxay shaqaalihii Rayidka ahaa ee dalka marka laga reebo shaqaalaha mahuraanka ah ee aan laga maarmi karin illaa amar dambe.
  • In gebi ahaanba la’ joojiyey isu imaatinada iyo isu ururka bulshada.
  • In ay waajib tahay in dadka ka shaqeeya meelaha aan looga maarmi karin ay qaataan Afsaar ama Mask.
  • In la joogteeyo kala fogaanta masaafo aan ka yarayn Hal mitir illaa laba mitir
  • In la yareeyo isu socodka gobolada iyo safarada laga maarmi karo
  • In masaajidada oo ah goobo cibaado bulshaduna si joogto ah isugu timaaddo lagu dedaalo kala fogaan, af dabool iyo nadaafadda oo kor loo sii qaado.
  • In Ciidamada amnigu ay u xilsaaran yihiin dhaqan gelinta go’aamadan. 
  • Goobaha Waxbarashada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ciyaaraha waxa loo xakamayn doonaa si gaar ah.
  • Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post