288 Views

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo soo bandhigay ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Maamulka G/Shabeellaha Dhexe oo soo bandhigay ciidamo la dagaalama Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hirshabelle Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada Gobolka Maxamed Sheek Xaandow, Gudoomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar Baareey, Duqa Magaalada Jowhar Maxamuud Xasan Bariise iyo kornel Maxamuud Maxamed Nuur Masdile ayaa  gaaray Degaanka Gaaleef ee Shabellaha Dhexe,  iyaga oo kulan kula qaatay Ciidamada dib u xureynta degaanka.

Mas’uulyiinta ayaa Dadka degaanka ku dhiiragaliyey in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee ka soconaya degaannada iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo la hadlay dadka degaanka Gaaleef ayaa sheegay in Maamulka uu Garab taagan yahay Ciidamada Degaanka ee u taagan iney la dagaalamaan ururka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post