450 Views

Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir

Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo  ka dhashay shil gaari oo ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 28, 2022

 
Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay shil gaari oo gabaldhacii maanta ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge-yaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada shan ruux oo ay carruuri ku jiraan iyo dhaawaca laba kale oo dhammaantood isku qoys ah.

Booliska oo gaaray goobta uu shilku ka dhacay ayaan weli ka hadlin khasaaraha iyo sababta shilka gaariga keenay intaba.

Dhinaca kale, ma jiraan faah-faahin kale oo laga helay gawaarida gurmadka deg-degga ah oo gaaray halka gaariga uu dadka ku jiiray.

Waddada uu shilku ka dhacay waxaa aad u adeegsada gawaarida dowladda, gaar ahaan ciidamada oo aad u isticmaala.

Waa shilkii labaad oo bilo gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay dad ku naf waayeen, waxa uu horay shil noocaan u eg uu uga dhacay waddada Maka Almukarama, iyada oo sidoo kale dhowr qof ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, dadkaas ayaa fadhiyay iridda hore goob maqaaxi ah oo qaxawaha lagu iibiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post