1077 Views

Sabriye “Habraaca Doorashooyinka aan soo saarnay waa midkii hore loogu shaqeyn jiray”

Sabriye “Habraaca Doorashooyinka aan soo saarnay waa midkii hore loogu shaqeyn jiray”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 27, 2019–Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah faahin ka bixiyay habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay dhowaan soo bandhigtay Wasaaraddiisa.

Wasiir Sabriye oo la hadlayay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in habraacan uu ahaa mid markii horeba loogu shaqeyn jiray, balse ay go’aansadeen in hada u soo bandhigaan shacabka.

 

“Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go’aansanay in aan soo dhigno shacabka hortiisa nidaamkii awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

 

Mar uu ka hadlayay cabashada iyo diidmada ka timid maamul goboleedyada ayuu sheegay in wasaaraddiisa ay leedahay Mas’uuliyadda guud ee ku saabsan dimoqraadiyeynta iyo Federaaleynta dalka.

 

“Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimoquraadiyentiisa iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh. Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galin doono kaalintooda, Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

 

Inta badan Maamul goboleedyada ayaa ka hor-yimid habraaca doorashooyinka oo habeen hore soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana habraacan lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo doorasho la filayo inay ka dhacdo Jubbaland, halka lagu muransan yahay doorashada la qorsheynayo inay Galmudug ka dhacdo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment